Ahlusunna “Ciidamo ayaan u Qorsheynay Gobollada la Xoreeyey”

Baardheere (KON) - Saraakiisha Ciidamada Ahlusunna ee Gobolada Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay Diyaariyeen Ciidamo suga Amaanka Deegaanada Al-shabaab laga saaray ee Goboladaasi.
Warar Keydmedia Online
Ahlusunna “Ciidamo ayaan u Qorsheynay Gobollada la Xoreeyey”

Xoghayaha Difaaca Ururka Ahlusunna ee Gobolada Koofureed Sh. Mursal Isaaq ayaa sheegay in Ciidamada loo qorsheeyey in la geeyo Degmooyinkii Al-shabaab laga Xoreeyey.

“Ciidamada aan Goobahaas geeyn doono, waa kuwo ku filan Xaqiijinta Amaanka, waa Ciidamo Tababar loo soo Xiray oo Diyaar u ah, Difaac Dalka iyo Diinta” ayuu yiri Sh Mursal.

Waxaana hadalkaan uu imaanayaa xili Siyaasiinta Soomaaliyeed ay sheegaan in Goobaha Al-shabaab laga Xoreeyo aan loo diyaarin Ciidamo suga Amaanka Deegaanadaas la qabtay.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.