Ajaanib ka Tirsan Kooxda Shabaab oo lagu Qabqabtay Baydhabo

Kismaayo (Keydmedia) - Saraakiisha dowladda TFG-da ee magaalada Badhabo ee gobbolka Bay ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen ragg isugu jira ajaanib iyo Soomaali kuwaasoo ka tirsan Kooxda nabad diidka ah ee Shabaabka.
Warar Keydmedia Online
Ajaanib ka Tirsan Kooxda Shabaab oo lagu Qabqabtay Baydhabo

Tirada  raggaan Shabaab ka tirsan ee magaalada Baydhabo lagu qabtay ayaa gaaraaya ilaa 5 nin, labo kamid ah raggasi waa ajaanib, halkana sadexda kalana ay yihiin Soomaali, sidaas Keydmedia waxaa u xaqiijiyay sargaal ka tirsan TFG-da oo Baydhabo ku suggan.

Sargaalkaan oo aan magaciisa qarinay ayaa sheegay in raggan laga qabtay guri ku yaala magaalada Baydhabo iyagoo markaasi ku howlanaa sameynta walxaha qarxa oo ay doonayeen inay ku qarxiyaan magaalada.

Waxaa sidoo kale jira qarax loo adeegsaday Miinada oo ka dhacay suuq ku yaalla magaalada Baydhabo inkastoo aan la ogeyn khasaaraha qaraxaasi ka dhashay.

Wixii ku soo kordha kala soco [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo