Ajandaha fadhiga berri ee Golaha Shacabka oo wax laga badalay

Ajandaha fadhiga berri ee Golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo wax laga badalay, kaddib farriimo loo diray Mudanayaasha Baaralamnka.

Warar Keydmedia Online
Ajandaha fadhiga berri ee Golaha Shacabka oo wax laga badalay

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa la filayaa in Maalinta berri oo Isniin ah ay kulan ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee ku dhex taal Madaxtooyada Villa Somalia.

Ajandaha kulankaas oo horay loo sii shaaciyay kaddib markii uu baaqday fadhigii looga doodi lahaa kulankii Sabtida ee fowdada kusoo dhammaaday ayaa wax laga baddalay, waxaana Ajandaha oo ahaa Caabuqa Covid-19 laga dhigay laba qodob oo midkamida loo codeyn doono:

  • Caabuqa Covid-19 lagu soo kordhiyay 
  • U Codeyn 2 xubnood ee Guddiga M/Banaan ee Xuduudaha

Fadhigii maalintii Sabtida ayaa buuq hareeyay kaddib markii laga war helay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Mursal uu isku dayay inuu Ajandaha maalin ka hor loo diray Xildhibaanada ku baddalo muddo kordhin loo sameeyo Xildhibaanada Baarlamanka iyo Madaxweynaha JFS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Waqtigiisu dhamaaday Maxamed Mursal, ayaa u bira tumaya inuu muddo kordhin sharci darro ah u sameeyo Farmaajo, kaas oo ku dhawaad 50 cisho kursiga Madaxtooyada ku fadhiya sifo sharci darro ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.