Hooyo Soomaaliyeed oo sheegtay in Booliska Kenya ay kasoo tuureen Dabaqa Shanaad

Nairobi (KON) - Hooyo Soomaaliyeed ayaa sheegtay in Askari ka tirsan Ciidamada Ammaanka Kenya uu kasoo tuuray Guri Shan dabaq ah oo ay ka daganeyd xaafada Islii ee magaalada Nairobi.
Warar Keydmedia Online
Hooyo Soomaaliyeed oo sheegtay in Booliska Kenya ay kasoo tuureen Dabaqa Shanaad

Hooyo Farxiya Axmed Yarow oo Shan Caruur dhashay oo u warrantay Idaacadda BBC-Somali ayaa sheegtay in Askari ka tirsan Booliska Kenya uu Dabaqa Shanaad ka tuuray kadib markii ay ka diiday Lacag uu weydiiyay.

Farxiya Axmed ayaa ku dhacday Jiingadda Guri kale oo ka ag dhawaa Dabaqa laga tuuray.

"Aniga oo Caruurteyda la jooga ayaa waxaa Habeenkii isoo galay Afar Askari, mid Guriguu soo galay, Saddex kalena Albaabka ayay istaagnaayeen (...) Wuxuu i weydiiyay Sharciga, markii aan sharciga tusay ayuu igu yiri lacag keen"

Farxiya oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri "Markaan ari Lacag ma haysti wuxuu igu yiri Dahab keen, ma haysto ayaan ku iri, markaas kaddib ayaan isku dayay inaan ilmo kasoo celiyo balakoonka guriga, wuuna iga soo dabo-galay waxaan ku iri shacigeyna i sii, balse markiiba wuu i tuuray" ayay Farxiyo u sheegtay Wariyaha BBC-da.

Hooyadaan oo ku jirta Isbitaal, walina fariisan karin ayaa in markii uu tuuray askariga ay ku dul-dhacday Saqafka Guri ay daris yihiin.

“Ma garanayo askariga i tuuray iyo kuwii la socday intaba, laakiinse dadkii i arkayay markii uu askarigu i tuurayay ayaan filayaa inay garanayaan"

Booliska Kenya ayaa sheegay in ay Dhacdadaan baarayaan.

Keydmedia Online - Nairobi