Akhriso: Habka cusub ee bixinta Baasaboorka Soomaaliya

Baasaboorka Soomaaliya oo aan dalal badan lagu tagi karin ayaa helitaankiisa dhibaato badan lagala kulmaa, musuq-maasuq ka jiro xafiisyada Hay'adda awgiis.

Warar Keydmedia Online
Akhriso: Habka cusub ee bixinta Baasaboorka Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa Qoraal kasoo baxay lagu sheegay in bixinta Baasaboorka la bilaabayo Berri, iyadoo shuruud looga dhigayo in qofka kasta oo xarunta imaanaya in uu soo xirto af-xir (Masks) iyo Gacma-gashi, iyadoo la ilaalinayo kala fogaanshaha looga hortagayo COVID-19.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in xarumaha laga bixiyo Baasaboorka lagu qaabili doono kala bar tiradii hore (50%). Hab bixinta cusub ee Baasaboorka ayaa sidaan ah

-Xaruun kasta oo baasaboorka laga bixiyo waxay qaabili doontaa kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray (50%)

-Muwaadin walba oo imaanaya Xarumaha bixinta Baasaboorka waxaa laga doonayaa in uu xiranaado Af-xir (MASK) iyo Gacmo-gashi (Gloves) marka uu soo galayo xaruunta iyo inta uu gudaheeda ku jiro.

-Qofkasta waa inuu ilaaliyaa masaafada kala fogaanshaha ( Social Distance) iyadoo qof walba laga doonayo in uu istaago barta loo calaamadeeyay ama loo tilmaamey.

Dhanka kale, codsiyada baasaboorka ee muwaadiniinta ku nool Gobolka banaadir oo tiro ahaan ka badan deegaanada kale awgeed, waxaa loo Diyaariyay labada xaruumood ee baasaboorka laga bixiyo oo mid waliba qaabili doonto codsiyada muwaadiniinta degan degmooyinka raacsan sida:-

1:-XARUNTA CABDICASIIS (Dhismaha Wasaaradda Kalluumeysiga): waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 8- Degmo oo kala ah: -Cabdicasiis, KAARAAN, HILIWAA, SHIBIS, SHANGAANI, BOONDHEERE, XAMARWEYNE, YAAQSHIID.

2:- XARUNTA HODON (Guriga Shaqaalaha):- waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 9-Degmo oo kala ah : -HODON, WAABARI, WARTA-NABADA, WADAJIR, KAXDA, DEYNIILE, HOWLWADAAG, XAMAR JAJAB, DHARKEYNLEEY.

Ugu dambeyn, HSJ waxey ka codsaneysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay nidaamka iyo hababka cusub dhowraan, isla markaana la shaqeeyaan howl-wadeenada naftooda huraya ee u adeegaya waqtiga adag.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.