AKHRISO: Magacyadda Guddiga baarista weerarkii Xabsiga Dhexe

Lixdan xubnood ayaa laga sugayaa warbixin inay ka keenaan sida ay wax u dhaceen iyo cida fududeysay inuu hubka la geliyo gudaha Xabsiga, oo la ogyahay in aad loo baaro xili kasta waxyaabaha la geliyo.

Warar Keydmedia Online
AKHRISO: Magacyadda Guddiga baarista weerarkii Xabsiga Dhexe

MUQDISHO, Soomaaliya - Sii hayaha xilka  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magacaabay Guddiga Baarista dagaalkii saacadaha badan qaatey ee ka dhacay shalay gudaha Xabsiga Dhexe.

1- Xasan Xuseen Xaaji​, Wasiirka Cadaaladda​ - Guddoomiye

2- Dr. Sulaymaan Max’ed Max’ud​, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka​ - Xubin

3- S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ,​Taliyaha Ciidanka Booliska​ - Xubin

4- S/Guuto Mahad C/raxmaan Aadan, ​Taliyaha Ciidanka Asluubta​ Xubin - Xubin

5- S/Guuto C/llaahi Buulle Kameey​, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada​ - Xubin

6- G/Sare Guuleed Sh. Xuseen Aadan​, Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada (C.I.D.)​Xubin

Shaqada Guddiga:

1- Waxa xubnaha Guddiga sare ku xusan la farayaa in ay deg deg u hawl-galaan, una guda-galaan barista dhacdadaas, kana keenaan gub-gaar dhammays-tiran sida ugu dhaqsaha badan.

2- Guddiga waxa la farayaa iyaga oo gudanaya waajibaadkooda in ay si joogta ula socod-siiyaan Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha barista ay wadaan.

3- In hawshan Baarista lagu soo gaba-gabeeyo muddo Toban (10) cisho gudahood ah oo ka bilaabanaysa taariikhda la magacaabay.

4- Guddigan hawshiisu waxa ay ku ekaan doontaa marka baaristu soo gaba-gabowdo.

5- Guddigan waxa uu magacaaban karaa Guddi-hoosaad Farsamo oo u fududeeya waajibaadka loo igmaday.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.