Al-Shabaab iyo Ciidanka Kenya oo ku dagaallamay J/hoose

Dagaalkan ayaa ahaa mid xooggan oo dadka deegaanka qalqal ku beeray.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab iyo Ciidanka Kenya oo ku dagaallamay J/hoose

Dagaal u dhaxeeyay ciidanka Kenya iyo Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaannada Taabto iyo Qooqaani oo ka tirsan gobolka J/hoose.

Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhigyo ay ciidanka Kenya ku leeyihiin deegaannadaasi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkan ka dhashay, iyadoo xaaladdu ay deggan tahay, balse Al-shabaab ayaa kordhiyey weerarada ka dhanka ah ciidanka Kenya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.