Al-Shabaab lagu qabqabtay howlgallada gobolka Mudug

Ciidan uu hor kacayo Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Joon) oo qorrax dhicii shalay la wareegay degaanka Camaara ee gobolka Mudug ayaa soo bandhigay maxaabiis ay ka qabqabteen Kooxda Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab lagu qabqabtay howlgallada gobolka Mudug

CAMAARA, Soomaaliya - Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliya ee howlgallada ka wada bariga iyo koofurta goboolka Mudug, ayaa sheegay in ay qabqabteen qaar ka mid ah saraakiisha Kooxda Al-Shabaab, ee dagaalka kula jirta ciidamada huwanta ah ee ku wajahan Xarardheere.

Tan iyo billowgii bishaan, ku dhowaad 10 dagaallame oo ka tirsan Al-Shabaab ayay ciidamadu gacanta ku dhigeen, sida ay saraakiil ku sugan Jiidda dagaalka u sheegeen Keyndmedia Online.

Saddex dagaallame iyo hubkooddii ayay soo bandhigeen ciidanka shalay gabal-dhicii gaaray degaanka Camaara, ee uu hoggaaminayay Saadaq Joon, waxayna sheegeen in dadka degaanku soo sheegeen, ragga  la qabtay oo ku dhuumaaleysanayay meel 3 KM u jirta magaalada.

Taliska guud ee ciidanka hoggaaminaya ayaa shalay warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab guud ahaan ka baxsadeen degaannadiii ay ku mintidayeen maalmihii tagay, Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, ayaana sheegay in ay howlgalku dhwaan u ruuqaansan doono degmada Xarardheere.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.