Al-Shabaab oo afar ruux ku toogtay fagaare ku yaallo Gedo

Afarta ruux ayaa lagu toogtay fagaare ku yaallo deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo. 

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo afar ruux ku toogtay fagaare ku yaallo Gedo

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Al-Shabaab ee deegaanada Koonfurta Soomaliya ayaa dil toogasho ah ku fulisay afar ruux ay u soo jeediyeen eedeyn kala duwan iyo in ay la shaqeeyen jireen dowlado shisheeye.

Afartaan ruux ayaa lagu toogtay fagaare ku yaallo deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo, waxaana barxadda toogashada ka dhacday isugu soo baxay dadweyne fara badan oo goob joog ka ahaa xukunkaan.

Ragga la toogtay ayaa kala ahaa:

1- Diini C/Qaadir Maaxamed oo ay ku eedeyeen in uu u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka.

2- Ciise Cismaan Geelle  oo si gaar ah ay dagaalamayaasha Al-shabaab ugu eedeyeen in ka mid ahaa sirdoonka Itoobiya .

3- Aadan Xasan Maxmed waxaa ay sheegeen in uu ka mid ahaa sirdoonka dowladda Soomaaliya.

4- Cabdicasiis Xasan Cabdi oo isna ay sheegeen in uu u shaqaynayay dowlada Federaalka Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab oo ka taliyo deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobollada Koonfurta iyo bartamaha dalka ayaa xukunno kala duwan ku fuliyo dadka ay ku helaan dembiyada basaasidda iyo kuwa kale.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.