Al-Shabaab oo afar ruux ku toogtay Saakow

Toogashada afartaan ruux ayaa ka dhacday degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Hoose. 

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo afar ruux ku toogtay Saakow

MUQDISHO, Soomaaliya - Ururka Al-Shabaab ayaa degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ku toogtay afar ruux oo lagu eedeeyay in ay la shaqeynayeen Sirdoonka Dowladaaha Soomaliya, Kenya iyo Mareykanka.

Fagaaraha lagu tooganayay afartaan ruux ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Kooxda Shabaab iyo boqolaal dadweyne ah, kuwaas oo isugu soo baxay daawashada falkaan dilka ah.

Afartaan ruux oo ugu weynyahay Cabdi Sahal Dhabbar, ayaa waxa ay kala yihiin:

1- Maxaamd Aadan Xassan (Maxamad Kheyr), 51 jir, lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka.

2- Cusmaan Faarax Dhaqane 27 jir lagu eedeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka Soomaaliya.

3- Cali Cabdiraxmaan Cabdi 33 jir lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka Soomaaliya.

4- Cabdi Sahal Dhabbar (Cabdi Xarqi) waa ninkii ugu da’da weynaa oo ahaa 57 sano jir lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay sirdoonka Kenya.

Ururka Al-Shabaab ee ka arrimiyo deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa dhowr jeer oo hore toogasho ku dilay dad ay ku eedeeyeen in ay la shaqeeyaan sirdoonka Soomaaliya, Mareykanka Kenya iyo dowlado kale.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.