Al-Shabaab oo afduubtay Qoysas reer Miyi ah

Kooxda Al-Shabaab ayaa afduubatay qoysas reer Miyi ah oo xoolo dhaqato ah, sida Keydmedia Online ay ka ogaaatay illo xog-ogaal ah, lamana oga sababta ka dambeysa afduubka. 

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo afduubtay Qoysas reer Miyi ah

DIINSOOR, Soomaaliya - Maleeyshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa saakay waabarigii qooysas badan oo xoolo dhaqata ah ka afduubay duleedka degmada Diinsoor gar ahaan agagaarka Xamarwado.

Lama oga halka ay la’aadeen iyo sababta loo afduubtay qoysaskan oo halkaas degaan ku ahaa in muddo ah, sida ay ogaatay Keydmedia Online. 

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan ganacsatada ku dhaqan magaalooyinka waaweyn waxay ka qaataan lacago baad ah, kuwaasoo ay ugu yeeraan (Sakawaat) ciddii diiddana waxaa lagu qaadaa weerar sababi kara dhimasho ama bur-bur hantiyadeed.

Kooxda ayaa qorshaheeda dhaqaalo uruursiga sii ballaarisay, waxayna billaabeen in ay ka uruursadaan lacagahaasi dadka reer miyiga ah ee xoolo dhaqatada ah, waxaana qofkii diida sidoo kale la weeraraa halka uu daggan yahay.

Lama xaqiijin karo afduubka loo geystay qoysaskani waxa uu salka ku hayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.