Al-Shabaab oo weerar kale ku qaaday Bacaadweyn

Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxay dagaal hoobiye -yaal ku billowday kusoo qaadday degaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo weerar kale ku qaaday Bacaadweyn

BACAADWEYN, Soomaaliya - Dad goobjoogiyaal ah oo Khadka Taleefonka Keydmedia Online kula hadlay, ayaa sheegay in saacad kahor uu ka billowday deegaanka loo yaqaan Bacaadweyn oo ka tirsan gobolka Mudug dagaal u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Ciidamada daraawiishta Galmudug oo iskaashanaya iyo Kooxda Al-Shabaab.

Weerarka ayaa ku billowday Hoobiyeyaal dhowr ah oo lagu garaacay degaanka, iyadoo markii dambana uu billowday iska-horimaad toos ah kaasoo u dhaxeeya dhinacyada isku haya Bacaadweyn.

Dabayaaqadii bishii ina dhaaftay ee December 2020 ayey kooxda Al-Shabaab weerar culus ku qaadday degaankaasi, waxayna halkaasi kaga furteen Ciidamadii ku sugnaa iyo kuwii maamulka Galmudug hub iyo rasaas badan, taasoo keentay in mar kale ay weeraraan muddo bil ah kaddib.

Dagaalka Maanta ayaan ilaa iyo hadda lasoo sheegin qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay, iyadoo sidoo kale maamulka Galmudug weli ka hadlin weerarka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.