Al-shabaab oo duleedka Muqdisho ku burburiyay Gawaari qaali ah

Kooxda Al-Shabaab ayaa Arbacada maanta burburisay qalab iyo gawaari qaali ah oo ay kujireen cagaf cagafyo shirkad dhisme oo gaar looleeyahay laguna magacaabo Istanbul CCo kadib mudo kooban oo ay la wareegeen baro Koontarool oo ay leeyihiin ciidanka DF oo ku yaala agagaarka xeebta Jazeera ee banaanka magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Al-shabaab oo duleedka Muqdisho ku burburiyay Gawaari qaali ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Koox ka tirsan Al-Shabaab ayaa Maanta weerar culus ku qaaday koontarool ay ciidamada Dowladda ku leeyihiin waddada hormarta saldhiga Milateriga Turkiga ee deegaanka Jazeera.

Al-shabaab ayaa burburisay qalab iyo gawaari qaali ah oo ay ku jireen Cagaf Cagafyo shirkad dhisme oo gaar loo leeyahay laguna magacaabo Istanbul CCo kadib mudo kooban oo ay la wareegeen gacan ku heynta Koontaroolka.

Dadka deegaanka ayaa soo warinayaa in ay rasaas xooggan is weedaarsadeen labada dhinac, ka hor inta aysan Al-shabaab gacanta ku dhigin Koontaroolka.

Koontaroolkaan oo ku yaallo deegaanka Jazeera ayaa laga ilaaliyaa saldhiga dowladda Turkiga ku leedahay deegaanka oo ay ku tababarto ciidamo Soomaali ah.

Ilaa iyo hadda dowladda Soomaaliya iyo taliska Milateriga midkoodna war kama soo saarin dagaalkaan kooban oo maanta dhex maray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab. 

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.