Taaliye Saadaq John oo is hortaagay fadhigii Baarlamanka
Kooxda Al-Shabaab ayaa go’doomisay qeybo ka mid ah degaannada Maamulka Galmudug kuwaas oo dhaca Waqooyiga Gobolka Mudug.
BACAAD-WEYN, Soomaaliya – Wararka ka imaanaya degaanka Bacaad-weyn ayaa sheegaya in Kooxda Al-Shabaab ay go’doomiyeen degaanka iyo guud ahaan tuulooyinka ku xeeran.
Sida ay sheegayaan shacabka ku dhaqan degaannada Waqooyi ee Gobolka Mudug, Al-Shabaab aya buux dhaafiyay tuulooyinka oo dhan waxa ayna jareen waddooyinkii gala Magaalada Bacaad-weyn, taas oo sababtay in la gali waayo lagana soo bixi waayo.
Dadka ku dhaqan Bacaad-weyn ayaa walaac ka muujiyay arrinkaas, madaxda Maamulka Galmudug ayayna ugu baaqeen in ay wax ka qabtaan dhiibatada joogta noqatay ee ka imaaneysa Al-Shabaab.
Al-shabaab waxa ay hore u go’doomiyey tuuloyinka hoos taga Bacaad-weyn, halkaas oo dhowr jeer ay kula dagaalameen dadka shacabka ah.
Isla Bacaad-weyn, dhamaadkii sanadki hore waxaa ka dhacay dagaal qaraar oo aad loogu riiqmay oo shacabku la galay Kooxda Al-Shabaab.
Majiro wax dhaqdhaqaaq ah oo ay wadan Madaxda Maamulka Galmudug iyo Ciidanka 21-aad ee ku sugan degaannada Muumulkaas, waxaana laga cabsanayaa in xaaladda degaannada Mugug ay noqo mid wax laga qaban waayo sida ka dhacday gobolka Bakoor oo Al-Shabaab hore u go’doomiyen.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments