Al-Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay labo qof

Kooxda xiriirka la leh Ururka Al-qaacida ee Al-Shabaab ayaa gobolka Jubbada Hoose ku toogatay labo qof oo da’ ahaa.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay labo qof

JAMAAME, Soomaaliya – Kooxda Al-Shabaab, ayaa fagaare yaalla, degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose, shalay gelinkii dambe ku togatay laba qof oo ay ku eedeeyeen danbiyo kala duwan.

Shaqsiyaadka la toogtay oo kala ah, Maxamad Mowliid Aadan iyo Cabdullaahi Xasan Cumar, ayay hore u xukuntay maxkamadda Al-Shabaab ee goboladda Jubooyinka.

Cabdullahi Xasan Cumar oo 59 sana jir ahaa, waxaa ay Al-Shabaab, dilkiisa u aaneeyeen, inuu ahaa Sixixirroole, (Saaxir) muddo dheer ka shaqeynayay dhibaateynta dadka.

Maxamed Mowliid Aadan oo isna 48 sana jir ahaa, ay tilmaameen unuu ka tirsanaa ciidamada booliska Maamulka Jubbaland, kaas oo lagu qabtay deegaanka Janaay Cabdalle ee duleedka Kismaayo.

Ma aha marki ugu horreysay, oo kooxda Al-Shabaab ay goob fagaare ah ku toogato dad ay danbiyo kala duwan qoorta u sureen, ku dhawaad, 70 qof ayaana lagu qiyaasayaa dadka ay fagaarayaasha ku dileen saddexdii bil ee la soo dhaafay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 28 October 2021 17:40

Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo wafti uu hoggaamin doono ee xubnaha Guddiga Batroolka, ayaa la rumeysan yahay in ay maalmaha soo socda ka ambabaxaan Muqdisho, si u soo xaraashaan xirmooyinka shidaalka Soomaaliya.