Al-Shabaab oo kordhisay kadeedka shacabka Bakool

Dagaallamayaal ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa duleedka degmada Waajid ee gobalka Bakool ku gubay Kareetooyin raashin u waday magaalada go’doonsan ku dhawaad Sideedda sano.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo kordhisay kadeedka shacabka Bakool

WAAJID, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisy go’doominta ay ku hayaan gobolka Bakool, kadib markii ay saaka dab qabadsiiyeen, ku dhawaan 10 Gaari-dameer (Kareeto), oo raashin u siday degmada Waajid.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Bakool, ciidamo ka tirsan kooxda xiriirka la leh, Al-qaacida ee Al-Shabaab, ayaa duleedka degmada Waajid ee gobolkaas, u galay kolonyo kareetooyin ah, halkaas oo ay ku gubeen dhamaan raashinkii ay u sideen.

Wadayaashii Gaari-dameerrada, ayaa ka baxsady goobta, waxayna gurmad ka heleen cutubyo ka tirsan qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas is raasaareyn kooban kadib Kareetooyinka dib ugu celiyay gacanta wadayaashii lahaa.

“Ciidanka oo ka jawaabaya qayladhaan kasoo gaartay duleedka magaalada Waajid  ayaa halkaasi ka eryay malleeshiyadii gubay raashiinka”. Ayaa lagu yiri war lagu qoray warbaahinta ku hadasha afka CQS.

Degmooyinka Xudur iyo Waajid, ayaa go’doonsanaa muddo Siddeed sano ah, hayeshee tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore dadka degaanka ayaa lagu qasbayay in ay ka guuraan magaalooyinka, isla markaana Al-Shabaab ayaa xoojiyay cunaqabateenta degmooyinka, waxayna gooyeen waddo kasta oo gasha, si aan wax maciishad loo geyn  Xudur iyo Waajid.

Degmooyinka gobolka ayaa la xorreeyay 2014, hayeeshee, ma jirto degmo u gudbi karta degmo kale, taas oo sababtay in guud ahaan maciishadaha kala duwan ee la geeyo gobolka Bakool, lagu daabulaa  diyaarado, taas oo keentay shicir-barar midkii ugu weynaa ee ka dhaca gobolka in muddo ah.

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Maamul gobolleedka Koofur Galbed, ayaa iska indha tiray dhibaatooyinka uu shacabku wajahayo, Maamulkii Farmaajo ee waqtigu ka dhamaaday ayaana ciidankii loogu tala galay xoraynta Bakool, u adeegsaday dan gaar ah iyo hurinta colaado sokeeye.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.