Al-Shabaab oo la wareegty Raaga-Ceelle

Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe la wareegtay muddo kooban gacan ku heynta degaanka Raaga-Ceelle oo ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo la wareegty Raaga-Ceelle

RAAGE-CEELLE, Soomaaliya -  Kooxda Al-Shabaab ayaa dagaal la’aan kula wareegtay guud ahaan maamulka Degaanka Raaga-Ceelle markii ay ka huleeleen Ciidamadii ku sugnaa ee AMISOM iyo kuwa dowladda.

Keydmedia Online ayaa shalay baahisay in dadka ku dhaqan degaanka Raaga-Ceelle ay soo food-saartay cabsi ay ka qabeen in Al-Shabaab soo gasho magaalada.

Maalmihii lasoo dhaafay tuulooyin ku yaalla baadiyaha Raaga-Ceelle ayaa la soo wariyay in Kooxda Al-Shaabaab ka wadey dhaqdhaqaaq xoogan, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

AMISOM, ayaa duqeyn u geysatay magaalada xalay markii ay soo gashay Al-Shabaab, ilaa hadda ma jirto khasaare la xaqiijiyay oo ka dhashay duqeyntaas.

Ita badan tuulooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa si joogto ah loogu arkaa Ciidamo katirsan Al-Shabaab, kuwaasoo jid-gooyo dhigta xilliyada qaar.

Dhaamadkii 2016, xaaladda amni ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa hagaagsaneyd, waxaana si joogto ah jidka xariiriya Jowhar iyo Muqdisho ugu safri jiray Siyaasiyiinta raadinanayay kuraastii Baarlamaan ee taallay Jowhar.

Si kastaba, Tan iyo markii Farmaajo yimid Villa Somalia, wadada ayaa go’day, iyadoo noqotay lama maraan oo Al-Shabaab ukumo dhigatay, lix sano kahor degaanno la xoreeyay ayayna dib ula wareegtay.

Al-Shabaab ayaa saaka salaaddi Subax ka baxday degaanka Raaga-Ceelle, iyagoo dib ugu laabatay dhulka howdka ah ay ku dhuumaaleystaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.