Al-Shabaab oo la wareegay deegaan ku yaalla Galgaduud

Kooxda Al-Shabaab ayaa saakay la wareegay gacan ku heynta deegaanka Caddakibir oo qiyaastii 60 KM u jiraa degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud. 

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo la wareegay deegaan ku yaalla Galgaduud

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Shabaab ayaa saakay gudaha u galay deegaanka Caddakibir oo qiyaastii 60 KM u jira degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, sida ay goobjoogayaal u sheegeen warbaahinta Gobolka. 

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in saakay deegaanka ay soo galeen xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo wado gaadiid dagaal, iyagoona jiho ee deegaanka fariisimo ka sameysatay.

Fagaare ku yaallo deegaanka ayaa Al-Shabaab isugu keeneen Boqolaal dadweyn ah, islamarkaana ay khudbad u jeediyeen, iyagoona dadweynaha ku war geliyay in ay maamulka deegaanka la wareegeen. 

Maamulka Galmudug ilaa iyo hadda kama hadlin ciidamadaan shabaabka ah ee saaka la wareegay deegaan Caddakibir ee gobolka Galgaduud iyo dhaq dhaqaaqyada ay wadaan.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.