Al-Shabaab oo la wareegtay degaanka Bacaadweyn

Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka adag kula jirta dowlad goboleedka Galmudug ayaa xalay la wareegtay degaanka Bacaadweyn oo ka tirsan gobolka Mudug

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo la wareegtay degaanka Bacaadweyn

BACAADWEYN, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa waxay la wareegtay degaanka Bacaadweyne ee koonfurta Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug.

La wareegitaanka kooxda Al-Shabaab ee degaanka Bacaadweyne ayaa yimid kaddib markii habeen ka hor ay degaankaasi isaga baxeen Ciidamadii milatariga dowladda Soomaaliya  oo gacanta ku haayay halkaasi muddooyinkii u dambeeyay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa abixiyay amarka ay ciidamadii dowladda ee halkaasi ku sugnaa in ay ka baxaan, kuna laabtaan xarumaha kale ee u dhaw ee ay joogaan ciidamada dowladda, markii la xaqiijiyay ka bixitaanka ciidamda dowladda ee degaankaasi waxaa durba la wareegay kooxda Al-Shabaab oo markoodii horeba fadhiyay duleedka magaalada.

Toddobaadyadii u dambeeyay ayey ciidmada dowladdu kala wareegeen kooxda Al-Shabaab degaanno dhowra kuwaasoo ay horay gacanta ugu hayeen kooxdaasi, waxaana degaanka Bacaadweyn oo ah dhul istaraatiiji ah iskuna xira magaalooyin dhowra haatan uu u gacan galay kooxda Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].