Kiiska dilka Gud Hodon oo soo laba-kacleeyay
Kooxda Al-Shabaab ayaa galabta la wareegtay gacan ku heynta degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Mahaddaay, Soomaaliya – Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Kooxda Al-Shabaab ay la wareegeen guud ahaa gacan ku heynta degmada Mahaddaay oo ay hore u joogeen ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar xooggan ku soo qaaday degaanka, dagaal kadibna waxa ay la wareegeen magaalada.
Ciidamadii Dowladda ee ku sugnaa gudaha degmada ayaa u baxay dhanka saldhigga ciidamada AMISOM oo ku yaalla warshaddii hore ee hubka oo dhacda duleedka Mahaddaay.
Al-Shabaab ayaa galabta isugu yeeray dadka shacabka ah, waxa ayna u jeediyeen qudbooyin goodis u badan.
Sidoo kale, Al-Shabaab waxa ay dhaqdhaqaad ka wadaan degmada Warsheekh, waxaana la soo warinayaa in ay falayaan waddooyin cuusb.
Mahaddaay waxay qiyaastii 120 KM u jirtaa magaalada Muqdisho, caasimada dalka, waxa ayna ka xigtaa dhanka Waqooyi, halka ay ku dhawaad 24KM u jirto degmada Jowhar, waxaana bartamaha magaalada mara Wabiga Shabeelle.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments