Kooxda Al-Shabaab oo laga saaray degaanka Bacaadweyn

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug, ayaa saaka la wareegay gacan ku heynta degaanka Bacaadweyn oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay maamulayeen Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Kooxda Al-Shabaab oo laga saaray degaanka Bacaadweyn

BACAADWEYN, Soomaaliya - Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug, ay dhawaaan la wareegeen gacan ku heynta degaanka Bacaadweyn iyo degaanno hoos tagay oo dhaca koofurta gobolka Mudug.

Ciidanka Xoogga Dalka (CXDS) Qaybta 21aad iyo kuwa Daraawiishta Galmudug, oo is kaashanaya ayaa xalay dul-degay degaanka, waxana gudaha u galeen magaalada xilli hore oo saaka ah.

War ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug, ayaa lagu yiri, “Ciidamada qaranka iyo kuwa amniga Galmudug oo hawlgal qorshaysan qaaday saakay ayaa gacanta ku dhigay magaalada Bacaadweyn, tuulada Qaycad, Sabeena gawrac iyo deegaano kale”

Bacadweyne oo tan iyo billawgii bishii ramadaan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, ayaa qiyaastii 25 KM, qorrax u dhaca kaga beggan degaanka Wisil, oo todobaaadkii hore uu ka dhacay dagaaal Kharaar.

“Bacaadweyne, Tuulada Qaycad iyo Sabeeno Gawrac, waxaa laga gacan maroojiyey kooxda argagixisada ah”. Ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi.

Al-Shabaab ayaa dhawaanahaan Gobollada Mudug iyo Galgaduud ka waday dhul ballaarsi, waxaase sida muuqata jira baraarug shacabku hoggaaminayo oo ka billawday koofurta Gobolka Mudug.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.