Al-Shabaab oo Mallaayiin ku kaydsato Bangiyada Soomaaliya

Warbixin uu soo saaray Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Kooxda Al-Shabaab ay Mallaayiin doollar ku kaydsadaan bangiyada ku yaalla gudaha Soomaaliya, sida uu shaaciyay Wargeyska New York Times. 

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo Mallaayiin ku kaydsato Bangiyada Soomaaliya

Canshuuraha Kooxda Al-Shabaab ay ka qaadaan Ganacsiyadda iyo shaqsiyaadka ayee ku kaydsadaan Bangiyada Maxalliga ah ee Soomaaliya, waxeyna Kooxda aruurisay Lacag gaareyso 13 Milyan oo dollar laga soo bilaabo December sanadkii hore ilaa bishii August ee sanadkan.

Wargeyska New York Times oo helay warbixintaan ayaa sheegay in Kooxda Al-Shabaab gudaha u galeen dekedda Muqdisho, iyagoo si hoose u qaata canshuuraha badeecadaha.

Keydmedia Online ayaa hore Warbixin uga soo qortay canshuuraha Kooxda Al-Shabaab ay ka aruuriyaan Magaalada Muqdisho. 

Todob iyo Sadexda Milyan ayaa la sheegaya in ay ka kala imaadaan Dekadda Muqdisho iyo qiyaastii  5.8 milyana laga soo aruriyay dekedda kismaayo, halka $ 2.4 milyan ay kasoo xarootay kantaroolada Alshabaab ee gobolka Jubbada Hoose.

Warbixin iyo Faah-Faahinta Warkaan fillo dhawaan

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.