Galmudug & Al-Shabaab oo ku loolamaya Muumulka

Dowlad goboleedka Galmudug iyo kooxda Al-Shabaab ayaa ku loollamaya gacan ku haynta deegaano badan oo ay kamid tahay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Galmudug & Al-Shabaab oo ku loolamaya Muumulka

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa dagaal la'aan kula wareegtay degaanka Ceeldheere oo ku yaalla duleedka magaaladda Dhuusamareeb, ee Caasimadda Galmudug, sida ay goobjooge u xaqiijiyay Keydmedia Online.

Al-Shabaab ayaa xalay gashay tuuladda, oo dhacda inta u dhaxaysa Dhuusamareeb iyo Guriceel, iyadoo aan la kulmin wax iska-caabin ah, kadib markii ay isaga baxeen Ciidamo katirsan qeybta  21aad ee Millateriga Soomaaliya.

Tan iyo markii Qoor Qoor loo doortey Madaxweynaha Galmudug billowgii 2020, amniga ayaa faraha ka baxay, iyadoo Al-Shabaab kordhisay weerarada ay ku qaadeyso magaaladda Dhuusamareeb.

Amniga deegaanka 

Xaaladdda ka jirtadeegaanada Galmudug ayaa sii xumaanaysa kaddib toddobaadyadii u dambeeyay oo ay sii kordheen weerarada labada dhinac u dhaxeeya, ciidamada qeybta 21-aad gaar ahaan guutada 15-aad ee fadhigoodu yahay caasimadda Galmudug ayaa weerarro ku qaaday fariisimo Kooxda Al-Shabaab ay ku laheed dheegaano dhowra oo hoos yimaada Gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa ku guuleystay in ay la wareegaan qaar kamida fariisimahaasi, waxayna baacsadeen ciidamadii halkaa ku sugnaa ee gacanta ku hayay, wasiirkii amniga Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macallin Fiqi oo dar-dar xoog leh ku waday howshaas ayaa haatan safar dibadda ah u baxay isagoo raacay wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo safar ku jooga waddanka Turkiga.

Deegaanadii Galmudug waxaa kusoo laba-kacleeyay weerara kooxda Al-Shabaab, waxayna usoo tabaabusheesteen sidii ay uga baacsan lahaayeen deegaanada ay horay uga qabsadeen Ciidamadda DFS iyo Maamulka Galmudug iyo sidoo kale kuwii ay iyagu gacanta ku hayeen. Al-Shabaab waxay usoo jirsadeen caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb wax ka yar 15 Km, waxayna qarka u saaran yihiin in ay la wareegaan gacan ku haynta caasimadda.

Dagaalaadaas labad dhinac u dhaxeeya waxaa bar bar socda qaraxyo lala beegsanayo ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ee ku socdaalaya deegaanada Galmudug, waxaana tiro dhowr jeer ah waddada loo galay ciidadamada dowladda oo looga dilay askar ka tirsan ciidanka, iyo sidoo kale dad rayida oo waddada maryay.

Waxaa barbar socday dagaalladaasi u dhaxeeya maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo ciidamada Dowladda iyo Galmudug oo isku dhinac ah, dagaal beeleedyo ka curtay deegaano kamida Gobolka Mudug halkaasoo tiro dada ay ku dhinteen in kalena ay ku dhaawacmeen, dagaalladan oo soo noqnoqday toddobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxay geysteen qasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac dad xoolo dhaqato ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ka faa'ideysaneysa dagaaladda beeleedka ee deegaanka, ayagoo sii hurinaya colaadda. 

Galmudugta uu hoggaamiyo Qoor Qoor waxay ku guul darreysatay wax ka qabashada xaaladda amni xumo ee ka jirta Galmudug, sidoo kale waxay xakameyn la'yihiin maleeshiyo beeleedyada hubka ku dhex wata magaalooyinka waa weyn ee Galmudug oo xilli kasta dagaal uu ku dhex mari karo halka ay ku sugan yihiin.

Fahad Yaasiin, Taliyaha Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA oo ahaa shakhsigii Qoor Qoor keenay kuma uusan xulan wax qabad iyo karti uu leeyahay, balse ujeedada ka dambeysa waxay tahay sidii doorashada Soomaaliya ee dabayaaqada sanadkan la filayo in ay ka billaabato Soomaaliya ay u helaan shakhsi ay ku adeegtaan, kaasoo u fuliya musuq maasuqa ay la damacsan yihiin Doorashada Soomaaliya 2021.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.