Al-Shabaab oo qarxisay garoonka diyaaradaha Buulo-burde

Qaraxyada lagu weeraray garoonka ayaa isugu jiray miinooyin nooca dhulka la geliyo iyo bambaanooyin gacanta laga tuuro , kuwaas oo saameyn xooggan ku yeeshay howlihii dhismo ee lagu ballaarinaayay garoonka diyaaradaha degmada Buulo-Burde.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo qarxisay garoonka diyaaradaha Buulo-burde

BUULO BURDE, Soomaaliya - Garoonka diyaaradaha degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, ayaa weerar qaraxyo ah la beegsadeen Al-Shabaab, halkaas oo ay ka socdeen howlo lagu ballaarinaayo dhismaha garoonka.

Qaraxyada lagu weeraray garoonka oo isugu jiray miinooyin nooca dhulka la geliyo iyo bambaanooyin gacanta laga tuuro ayaa saameyn xooggan ku yeeshay howlihii dhismo ee lagu ballaarinaayay garoonka diyaaradaha degmada Buulo-Burde.

Qaraxyad ayaa burburiyay qeyb kamid ah goobihii la dhisay, kuwaas oo kamid ahaa meelaha ugu muhiimsan garoonka.

Weerarka kaddib, ciidamada amaanka ee ku sugan degmada Buulo-burde ayaa howlgallo ka bilaabay duleedka degmada, gaar ahaan aaga garoonka, iyaga raadinaaya dadkii ka dambeeyay qaraxada lagu burburiyay garoonka.

Dhawaan ayaa la filaayay inay xariga ka jaraan madaxda Hirshabeelle dhismaha garoonka diyaaradaha ee Buulo-burde, balse weerarkan ayaan aheyn kii ugu horreeyay ee lagu bartilmaameedsado garoonkan.

Dhamaadkii bishii June ee sannadkii aanu soo dhaafnay ee 2020,  ayay aheyd markii qaraxyo miino lagu xiray qeybta nasahada garoonka, taas oo sababtay inay gebi ahaan burbur xooggan uu soo gaaro.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.