Kooxda Al-Shabaab oo qorshihii ugu halista badnaa hir-galisay

Kooxda Al-Shabaab ee xeriirka la leh Al-Qaacida, ayaa billaawday hir-galinta qorshe halis ku ah degaannada dhaca Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, kaas oo lagu dhalan-rogayo maskxda carruurta Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
Kooxda Al-Shabaab oo qorshihii ugu halista badnaa hir-galisay

JILIB, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa wadda qorshe xooggan oo lagu dhalan rogayo dhallaanka Soomaaliyeed, waxayna koofurta iyo bartamaha dalka ka hir-galiyeen, manaahij waxbarasho oo ay iyagu qoreen, kuwaas oo ay ku dhigan yihiin taariikho la been abuuray, iyo buunbuunin dagaal-yahanno Carbeed.

Wixii ka horreeyay 2017, Iskuullada ku yaalla guud ahaan degaannada ay heystaan Al-Shabaab, waxa laga dhigi jiray manaahij ay diyaariyeen dalladaha wax-barashada ee kala ah Formal Private Education Network in Somalia (FPENS) iyo Schools Association for Formal Education (SAFE), kuwaas oo waxbarashada dalka gacanta ku hayay tan iyo burburkii Dowladdii Kacaanka.

Hayeeshee Al-Shabaab, waxa ay hore u soo bandhigeen isla-markaana dhaqan geliyeen Manhajka Dugsiga Hoose, bishii April ee sannadkii 2017, waxayna hadda soo saareen Manjahka Dugsiga Dhexe, labadaan Manhaj ayaana si weyn kaaga gaddisan kuwii dalladaha ee hore loo dhigi jiray.

Waxa ay ugu yeeraan Maktabka Tarbiyada iyo Tacliinta, oo ay kala jeedaan Wasaaradda Wax-barashada, ayaa soo bandhigtay Manhajaan cusub, o kubtubtiisu ay ka mid yihii; Tafsiirka, Xadiithka, Fiqhiga, Towxiidka, Carabiga qeybihiisa, Taariikhda, Juqraafiga, Sayniska, Xisaabta iyo luqadda Soomaaliga.

Qaaar ka mid ah Iskuullada ku yaalla degaannada Al-Shabaab, ayaa 2018-kii isku dayay in ay kala niqaashaan Manhajka Dugsiga Hoose, oo ay soo saareen 2017-kii, kaas oo ka aradan taariikhda dalka, isla markaana lagu buunbuuninayo shaqsiyaad carbeed oo ay ugu horreeyaan Mufakirkii waxa loo yaqaan jahaadka casrigan, Cabdalla Casaam iyo Osama bin Laden.

Sidoo kale, waxa ay Tafsiirka, Xadiithka, Fiqhiga, Towxiidka iyo Carabigaba, ku soo qoreen turjumaadda sida ay iyagu u rabaan, taas oo ula jeedku yahay in ardayda degaannada ay ka taliyaan, ay dugsiga sare u gudbaan iyaga oo dhamaantood Shabaab ah masakax ahaan.

Arrinkaan waa khatar hor leh oo soo food-saartay shacabka ku dhaqan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo maskaxda dhallaankoda lagu ababinayo fikir xagjirnimo isla markaana laga ilaalinayo, ku hanaqaadka waxbarasho caadi ah oo u qalanta maskaxda caruurta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.