Al-Shabaab oo sheegatay dilka 14 askari oo ka tirsan ciidanka KDF

Kooxda Al-Shabaab, ayaa sheegatay in ay dileen ku dhawaad 15 askari oo ka tirsan Ciidamada Kenya, halka KDF, ayaa sheegtay in kooxda ku jirta Hawlgalka Amani Boni uu ka dhaawacmay hal askari.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo sheegatay dilka 14 askari oo ka tirsan ciidanka KDF

MOGDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa sheegtay inay dishay 14 askari oo ka tirsan ciidamada militariga Kenya, kedib Qarax ka dhacay gobolka xeebta ku yaalla ee Lamu Talaadadii.

Sida Al-Shabaab, ku baahiyeen barahooda bulshada, qaraxan ayaa dhacay, kadib markii miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ay haleeshay gaari ay leeyihiin  ciidamada KDF ee ku safrayay inta u dhaxeysa deegaanada Milimani iyo Baure ee Gobalka Lamu oo u dhow xadka Soomaaliya.

Baure iyo Milimani waxay ku yaallaan, Kaymaha Boni ee cufan, halkaas oo Kenya ay bishii Sebtember 2015 ka bilowday Hawlgallo amni oo ujeekoodu yahay in looga hor tago Kooxda Al-Shabaab.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-shabaab, hayeeshee, Kenya ayaa sheegtay, in hal askari oo ka tirsan KDF uu si xun u dhaawacmay kaas oo hadda lagu difaacayo Isbitaalka Ciidamada Difaaca ee Nairobi.

Kenya ayaa la kulantay weerarro dhimasho iyo dhaawacba leh oo kaga yimid Al-shabaab tan iyo markii ay ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya sannadkii 2011 si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab.

Kooxda xiriirka la eh ee Al-Qaacida ee Al-Shabaab, ayaa weerarro waaweyn ka geysatay Kenya, oo ay ka mid yihiin duullaankii xarunta dukaamaysiga Westgate, hoteelka DusitD2, iyo Jaamacadda Gaarisa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.