Al-Shabaab oo sheegatay qaraxii Muqdisho

Waxay sheegtay Al-Shabaab in bartilmaameedkeedu ahaa Madaxtooyadda Villa Somalia.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo sheegatay qaraxii Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay ka dambeysay weerarkii saakay ka dhacay Muqdisho, kaasoo ay ku dhimatay ugu yaraan labo qof oo kala ah ninkii is-qarxiyay iyo qof shacab ah.

Al-Shabaab ma aysan sheegin tirada dadka ay ku dishay weerarka, oo lala beegsaday Koontaroolka laga ilaaliyo Villa Somalia, oo ku yaalla Isgoyska Sayidka, halkaasoo Ciidanka booliska DF ay ku sugan yihiin.

Qaraxa wuxuu dhacay xili hore oo subax ah, dadkuna ay u oradayeen shaqooyinkooda saacadu markay ahayd 9:10 am waqtiga Soomaaliya.

Mudooyinkii dambe, waxaa Caasimadda kusoo kordhaya qaraxyada Al-Shabaab xili Siyaasiyiinta ku mashquulsan yihiin doorashooyinka, oo waqtigooda ka gudbay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.