KEYDMEDIA ONLINE

Al-Shabaab oo sheegtay in ay la wareegeen Daynuunaay

Ciidamada kioxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay guul ka gaareen dagaal dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda, sidoo kalena waxay sheegteen in ay la wareegeen Daynuunaay

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo sheegtay in ay la wareegeen Daynuunaay

DAYNUUNAAY, Soomaaliya - Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Deeynuunaay oo u dhow Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii kooxda Al-Shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen Saldhig Ciidaman oo ku yaal degaanka Deeynuunaay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaacba leh.

Kooxda Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegteen inay la wareegeen saldhigyada Ciidamada dowladda ee degaanka Deeynuunaay kadib weerar culus oo ay ku qaadeen. Inkastoo dhinaca kale ee dowladda aysan xaqiijin, faahfaahina aysan ka bixin dagaalka ka dhacay Daynuunaay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa laba-laabtay weerarrada joogtada ah ee ay ku hayaan saldhigyada ciidamada dowladda ee maamullada Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 9 June 2021 15:42

Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.