Al-Shabaab oo soo bandhigay diyaarad nooca wax basaaso ah

Waa diyaaraddii labaad oo isbuuc gudihiisa ku soo dhacdo deegaanada ay maamulaan Alshabaab, waxaana xusid mudan in diyaarad sidaan oo kale ah ay todobaadkii la soo dhaafay dhamaadkiisa ku soo dhacday meel ku dhow saldigga ciidanka Mareykanka ee garoonka dayaaradaha Kismaayo.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo soo bandhigay diyaarad nooca wax basaaso ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ee maamusho meelo ka mid ah Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay sawirada diyaarad nooca wax basaaso ah oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

Diyaaraddaan oo ay ku xiranyihiin Kaamirooyinka wax basaaso ayaa ku soo dhacday deegaan u dhow saldhiga Balli-doogle oo ay deganyihiin ciidamada Mareykanka, kaas oo ku yaallo gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana isla markiiba diyaaraddaan gacanta ku dhigay Al-Shabaab oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn saldhiga.

“Dayuuradda ayaa xilligii ay soo dhacaysay ilaalo ka haysay saldhigga ciidanka American-ka ee garoonka Balidoogle, waxaana qaaday mujaahidiinta oo ka furay kaamirooyinkii ku xirnaa” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha Al-shabaab oo la hadlay warbaahinta ku hadasha kooxdaas.

Mareykanka oo ka mid ah dowladaha Soomaaliya ka taageero dhinaca la dagaalanka Al-Shabaab ayaa howlgalkiisa qeybo ka mid ah u adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha laheyn kuwaas oo sahmin ku sameeyo deegaanada ay maamulaan kooxda Shabaab.

Waa diyaaraddii labaad oo isbuuc gudihiisa ku soo dhacdo deegaanada ay maamulaan Alshabaab, waxaana xusid mudan in diyaarad sidaan oo kale ah ay todobaadkii la soo dhaafay dhamaadkiisa ku soo dhacday meel ku dhow saldigga ciidanka Mareykanka ee garoonka dayaaradaha Kismaayo.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.