Al-Shabaab oo weerartay Saldhig ciidan

Ciidamada ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ay lahaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowlad goboleedka Jubbaland, halkaasoo ay kala kulmeen iska caabin

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo weerartay Saldhig ciidan

JUBADA HOOSE, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa waxay weerar ku qaadey saldhiga degaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda Soomaaliya & kuwa Daraawiishta Jubbaland.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada millateriga ee ka howlgalla degaannada Jubbaland ayaa noo sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca kooxda Al-Shabaab, isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen, inkastoo dhinaca kale kooxdii weerarka soo qaadday ee Al-Shabaab aanay ka hadal khasaare gaaray dhinacooda iyo sidoo kale sheegasho haddii ay jiraan khasaare ay gaarsiiyeen saldhigga ay weerareen!

Dadka degaanka ayaa sheegayay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, waxaana weerarka oo qaatay muddo saacado ah ugu dambeyntii uu uqaboobay iskiis, iyadoo aysan kooxna weli sheegan guul in ay ka gaartay, sidoo kale ma jiraan qasaare shacab oo lasoo warinayo kaasoo uu sababay dagaalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.