Al-shabaab oo weerartay askar ka tirsan DFS

Dagaalkan ayaa ku bilowday weerar gaadmo ah oo ay Al-shabaab ku qaadeen ciidanka dowladda

Warar Keydmedia Online
Al-shabaab oo weerartay askar ka tirsan DFS

Dagaal u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaiya iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay wadada isku xirta degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgoye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Al-shabaab aya ajidka u galay kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda federaalka ah, kuwaasi oo wadadan ku socdaalayey, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoggan.

Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhimtay ugu yaraan Labo askari oo ka tirsan ciidanka DFS, iyadoo dhaawac uu jiro.

Saraakiisha la socotay kolonyadan ayaa sheegay in khasaare xooggan ay dhankooda gaarsiiyeen Al-shabaab, iyadoo xaaladdu ay tahay mid deggan.

Al-shabaab ayaa weerarada sidan oo kale ah ku gaada ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobollada dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.