AMISOM oo lagu weeraray Hosingow

Xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhiga ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Hosingow oo hoos taga dagmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose.

Warar Keydmedia Online
AMISOM oo lagu weeraray Hosingow

BADHAADHE, Soomaaliya- Dagaalkan oo dhex maray Al-shabaab iyo ciidamao Kenyan ah oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM, ayaa ka dHacay saldhig ciidamada Kenyanku ku leeyihiin deegaanka Hosingow.

Xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhiga ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Hosingow oo hoos taga dagmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose.

Dagaal culus ayaa halkaa ku dhexmaray oo socday saacado, dadka degaanka Hosingow ayaa ku warramaya inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isweydaarsanayeen labada dhinac.

Dagaalka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray laabda dhinac ee dagaalamay, wallow aanan la xaqiijin dadka rayidka ah ee wax ku noqday, hayeshee ay dadka ku nool aagga lagu dagaalamay ayaa soo food saartay cabsi xoogan, oo ay ka qabaan in markale lagu dul dagaalamo.

Markii ay dib u gurteen kooxdii weerarka ku soo qaaday ciidamada Kenya, waxa ay bilaabeen howlgal ay ku baadi goobayaan xubnihii weerarka ku soo qaaday.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.