Al-Shabaab oo xilkii ka qaaday ‘Kabakudukade’

Kooxda Argagixisadda ee Al-Shabaab ayaa xilkaan sheegtay in ay u magacaabtay Nin lagu magacaabo Sheekh Cabaas Abu Maxamad. 

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo xilkii ka qaaday ‘Kabakudukade’

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa xilkii ka qaaday Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise 'Kabakudukade ' oo Ururka ugu magacownaa guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoona xilkaas loo magacaabay Sheekh Cabaas Abuu Maxamed.

Arintaan ayaa qeyb ka ah is bedel lagu sameeyay Maktabka Siyaasadda iyo xiriirka gobolada ee Al-Shabaab ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana Kobakudukade uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ugu waqtiga dheeraa ee xilka ka hayay gobolka Shabeelaha Dhexe.

Munaasabad lagu qabtay degmo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa lagu shaacinayay isbadalka dhinaca maamulka ee ka dhacay gobolkaasi, waxaana Al Shabaab dadka ku dhaqan Gobolkaasi ku wargalisay in Gudoomiye looga dhigay Sheekh Cabaas.

Al Shabaab ayaa inta badan isbadalo dhinaca maamulka ah ku sameysa gobolada ay joogaan, waxaana Sheekh Kabakudukade kamid yahay Gudoomiyaasha ugu waqti dheer ee dhinaca Gobolada Wakiil uga ahaa Al Shabaab .

Isbedelkaan ilaa iyo hadda kama hadlin hay'adda sirdoonka Soomaaliya oo dhawaanahaan aheyd mid shaacineysay isbedelada ka dhex dhaca gudaha ururka Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.