Al-shabaab oo caruur iyo haween Afduubtay

Qoryooleey(KON)-Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab ayaa maanta Afduubtay 20 Ruux oo iskugu jira Caruur iyo Haween Gobolka Shabellaha Hoose.
Warar Keydmedia Online
Al-shabaab oo caruur iyo haween Afduubtay

Dadka Al-shabaab Afduubeen ayaa waxaa ay gaari Bus ah ka soo raaceen Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose,kuwaa oo u socday Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Degmada Qoryooleey Ee Gobolka Shabellaha Hoose Cismaan xaaji Max’ed “Buraale”ayaa Keydmedia online u sheegay  in Dadka Al-shabaab ay la aadeen Dhanka Degmada Baraawe,gaarigiina ay Gubeen.

Cismaan Xaaji Max’ed ayaa sidoo kale sheegay in Dadka ay ku jiraan Caruur aad u da’yar oo qaar kood la sido,Sababta ay Al-shabaab u Afduubteena aysan garaneyn.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa Dhibaato ku haya Dadka Shacabkaa ee ku nool Degmada Qoryooleey,ayagoona hore ugu soo rogay Godoomin dhanka Cuntadaa.

Mana muuqato Dowladda Shacabka Soomaaliyeed ee halkaas ku dhibaateysan ka Dul qaadi karta Cadawga Cuna qabateeyey.

Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho