Al-shabaab oo Ganacsato ku Dilay Buulabarde

Buulabarde (KON) - Maleeshiyada Al-shabaab ayaa Galabta Labo Nin oo Gacancasato ah ku Dilay Duleedka Degmada Buulabarde ee Gobolka Hiiraan.
Warar Keydmedia Online
Al-shabaab oo Ganacsato ku Dilay Buulabarde

Wararka ka imaanaya Degmada Buulabarde  ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegayabin Galabta Labo Nin oo Ganacsataa Al-shabaab ay ku Qaarajiyeen Duleedka Buulabarde islamarkaana ay Gaari  ay wateen ay ka qaateen.

Goobjooge ku sugan Degmada Buulabarde ee Gobolka Hiiraan ayaa Keydmedia online u sheegay in Labada Nin ay ahaayeen Ganacsatada Qaadka ee Degmada Buulabarde ka ganacsada,waxaana ay ku siijeedeen  Tuulo hoostagta Buulabarde.

Degmada Buulabarde ee Gobolka Hiiraan aya maanta waxaa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo Go’doominta Al-shabaab ay ku hayaan Degmadaasi.

Hasa ahaaytee ma ahan markii ugu horeeysay oo Al-shabaab ay Buulabarde ku dilaan Ganacsatada Qaadka ka Beec mushtara.

Keydmedia Online – Xafiiska Muqdisho