Al-shabaab oo ganacsato ku xirtay ceelasha

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Kooxda shabaab ayaa deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka muqdisho ku xirtay Ganacsato Soomaaliyeed oo garabrarto ah.
Warar Keydmedia Online
Al-shabaab oo ganacsato ku xirtay ceelasha

Ganacsatada la xiray ayaa aheyd kuwa wadada hareeraheeda ku ganacsada oo ka madax adeegay amar ka soo baxay shabaab oo ahaa in ay xiraan goobahooda ganacsi.

Dadka ay shabaab xireen ayaa la sheegay in tiradooda ay gaareyso ilaa 10 qof oo rag iyo dumar isugu jira waxaana sidoo kale kooxda ay hanjabaad kulul u jeedisay dadka kale ee ku haray goobaha ganacsi.

Shabaab ayaa muda fogba waxa ay aheyd mid amaro isdaba joog ah ku soo rogeysay shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan misna danyarta ah, waxaana amarada shabaab ay yihiin kuwa mar walba shacabka lagu dhibaateynayo.

www.keydmedia.net