Al-shabaab oo ICRC ka mamnuucday Sh.Hoose

Marka (Keydmedia) - Kooxda Shabaab ayaa hey'adda ICRC waxa ay u diiday in ay gargaar ka qeybiso qeyba ka mid ah gobalka Sh.hoose oo ay ku nool yihiin dad ay macluul iyo dhibaato daran heyso.
Warar Keydmedia Online
Al-shabaab oo ICRC ka mamnuucday Sh.Hoose

Saraakiil ka tirsan ICRC xafiiska Muqdisho ayaa u sheegay keydmedia in lacagaha ay shabaabka codasadeen xiligan in ay yihiin kuwa aad uga badan cadadkii kol hore ay hey'adda ku bixin jirtay kooxda, waxaana taasi ay sababtay is maandhaaf dhex maray labada dhinac.

ICRC ayaa raashiin iyo baco kala duwan mudooyinkii la soo dhaafay waxa ay ka qeybineysay deegaanada ay shabaab ka taliyaan waxaana hey'adda ay ka tirsantahay hey'adaha tirada yar ee ka badbaadiyay amarada qasabka ee shabaab walow iminka ay caqabad soo foodsaartay.

 

Wararka waxa ay sheegayaan in mas'uuliyiinta Shabaab iyo ICRC ay iminka leeyihiin kulamo looga arinsanayo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka jira ee saameeyay gargaarkii shacabka loogu tala galay.

www.keydmedia.net