Al-Shabaab oo ku hanjabay inay dilayaan muwaadiniin Kenyaan ah

Muqdisho (KON) Al-Shabaab ayaa ku hanjabay in ay dili doonaan dadka u dhashay Kenya oo ay haayaan.
Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo ku hanjabay inay dilayaan muwaadiniin Kenyaan ah

 

War qoraal ah oo ay soo saareen kooxdaan ayaa waxay ku hanjabeen in ay dili doonaan dhamaanba dadka u dhashay wadanka Kenya oo haatan ku jira gacanta kooxdaan hadii dowlada Kenya aysan sii dayn dadka ay ka hayso.

Kooxdaan dagaalka kala soo horjeedo dowlada Soomaaliya iyo waliba Kenya ayaa sheegta in ay hayso ajaanib badan oo u dhashay Kenya, kuwaasi oo haatan ay ku gor gortamayaan.

Dowlada Kenya wali kama aysan hadlin arintaan laakiin waxaa la sugayaa sida ay kaga hadasho.

Keydmedia Online Xafiiska Muqqdisho