Al-shabaab oo Qarax arxan daro ah ka fulisay Muqdisho

Muqdisho (Keydmedia) - Kooxda Shabaab ayaa goordhaw Magaalada Muqdisho ka fulisay Qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday arday Soomaaliyeed oo imitixaan u fadhisay.
Warar Keydmedia Online
Al-shabaab oo Qarax arxan daro ah ka fulisay Muqdisho

 

 

Qaraxa ayaa ka dhacay xarunta hargaha iyo saamaha oo ay dagan yihiin wasaarado ka tirsan xukuumada KMG ah.

Inta la xaqiijiyay 80 qof dad ka badan ayaa geeriyootay tira intaas ka badana dhaawac ayaa soo gaaray.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jiray Arday ka qeyb galeysay imtixaanka Turkiga ay qaadeysay, shaqaalaha wasaaradaha, askar iyo waliba shacab deegaanka ah.

 

Dadka Muqdisho ayaa xusuusanaya maanta qaraxii arxan daro ee shabaab 3 Dec 2009 ay la beegsadeen ardaydii qalinjabineysay ee jaamacada Banaadir.

Qaraxyadan noocan ah ayaa ah kuwa xagjiriinta Shabaab ay doonayaan in ay ku dhibaateeyaan qalbiyada Dadka soomaaliyeed ee nadiifka ah isla markaana ku fakaraya horumar laga sameeyo nolasho.

Keydmedia.net