Al-shabaab oo Qeybo kamid ah Gobolka Shabellaha Dhexe laga saaray

Kalinka Shiinaha (KON) - Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Saaka Al-shabaab kala wareegay Deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.
Warar Keydmedia Online
Al-shabaab oo Qeybo kamid ah Gobolka Shabellaha Dhexe laga saaray

Ciidamada iskaabaya ayaa Gacanta ku dhigay Tuulooyinka kala ah Dhiin iyo kanaalka Shiinaha oo Maleeshiyadu ay horey u haysteen.

Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab iyo Ciidamada Huwanta ah ay Dagaal kooban wada galeen islamarkaana Al-shabaab ay iskaga Carareen halkaasi.

Goobjoogeyaal ku sugan Kanaalka Shiinaha ayaa Keydmedia online u shegay in Ciidamada Dowladda ay Tuulooyinkaasi isku fidiyeen oo Al-shabaab Gacantooda ay ka baxday.

Dhiin iyo kanaalka Shiinaha ayaa waxaa ka jira Xaalad Kacsanaan ah iyo Dhaqdhaqaaqyo Ciidan,maadaama halkaa dagaal looga saaray Al-shabaab.

Shalay ayaa Al-shabaab waxaa laga saaray Magaalada Buula-mareer ee Gobolka  Shabellaha Hoose oo la sheegay in ay aheyd Magaalo istaraatiiji u ah Maleeshiyada Shabaab.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho