Al-shabaab oo Wabiga ku Furay Shabellaha Dhexe

Fiidoow(KON)-Sida Keydmedia online ay u sheegeen Dadka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab waxaa ay Fureen Xeyndaab Wabiga Shabelle uu ku lahaa Gobolka Shabellaha Dhexe.
Warar Keydmedia Online
Al-shabaab oo Wabiga ku Furay Shabellaha Dhexe

Ilaa Saddex Meel ayaa la sheegay in Maleeshiyada ay Wabiga ka fureen,kuwaas oo ku yaala marino u dhaw Deegaanka Fiidoow ee Gobolka Shabellaha dhexe  ee Dalkeena Soomaaliya.

Ujeedka Maleeshiyada Shabaab  ay u Fureen Wabiga ayaa lagu sheegay Cabsi ay ka qabaan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM oo dhaqdhaqaayo ciidan ka wada Gobolka,islamarkaana Shabaabku ay doonayaan in Gaadiidka Dowladda iyo AMISOM ay waayaan meel ay maraan sidaana Wabiga ay u fureen.

Dhanka kale Abaanduulaha Ciidamada XDS Gen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo Saaka la hadlay VOA ayaa Xaqiijiyay in Al-shabaab ay Dhowr meel Wabiga ka fureen,waxaana uu sheegay in Ciidamada Isgarabsanaya aysan Howlgalkooda Arrintaas ka hor istaagi Karin.

C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa sheegay in Maalmahaan Shabaab laga Sifeeyn doono Gobolada Hiiraan,Shabeelooyinka,iyadoona la aaminsan yahay in Cududa ugu weyn Shabaab ay xiligaan tahay Magaalada Dekada leh ee Baraawe.

Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa Al-shabaab kala Wareegay Deegaano katirsan Labada Shabeelle.

Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho