Al-Shabaab “Xeelad Dagaal ayaan kaga baxnay Jowhar”

Muqdisho (KON) - Al-Shabaab ayaa hadlay sababihii ay kaga baxeen magaalada Jowhar iyo waliba deegaano kale oo ka tirsan gobalka Shabeelaha Dhexe.
Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab “Xeelad Dagaal ayaan kaga baxnay Jowhar”

War qoraal ah oo ay soo saartay kooxdaan xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa waxay ku sheegeen in ay xeelkad dagaal ay kaga baxeen magaalada Jowhar iyo deegaanada kale ee gobalka.

Warkaan ayaa waxay ku sheegeen in ay magaalada dib ugu soo laaban doonaan oo ay dib u qabsan doonaan xarunta gobalka Shabeelaha dhexe oo haatan ay gacanta ku haayaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Shalay ayaa magaalada Jowhar iyo degmada Mahaday waxaa si rasmi ah ula wareegay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kuwaasi oo magaalada ka saaray Al-Shabaab.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho