Kooxda Al-Shabaab oo ka faa’ideysaneysa habacsanaanta NISA

Tobaneeyo ka tirsan Kooxda Argagixisadda ah ee Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay soo galay gudaha Magaalada Muqdisho, sida Keydmedia Online ay ka ogaatay laamaha amniga.

Warar Keydmedia Online
Kooxda Al-Shabaab oo ka faa’ideysaneysa habacsanaanta NISA

MUQDISHO, Soomaaliya - Macluumaad ay Keydmedia Online heshay ayaa sheegeysa in Kooxda A-shabaab ay magaalada Muqdisho soo geliyeen Tobaneeyo ka tirsan maleeshiyaadkooda kuwaasi oo ay ugu talagaleen in amniga magaalada ay qalqal geliyaan.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Al-shabaab oo ka faa'ideysanaya habacsanaanta Hay'adda NISA oo shaqadeydii gabtay ayaa waxay donayaan in xubnahan ay magaalada ka fuliyaan dilalka qorsheysan iyo sidoo kale qaraxyo.

Amaanka Caasimadda ayaa ah mid faraha kasii baxaya, hay'addii NISA ee arimahan ku shaqada lahaydna waxay isku bedashay mid ka shaqeysa doorashada iyo arrimaha siyaasadda.

Wixii ka dambeeyey markii uu Farmaajo qabtay xilka Madaxweyne waxay Muqdisho noqotay mid hoy u ah argagaxisada, waxaana dhacay qaraxyo iyo dilal aan xisaab lahayn.

Dadka falaqeeya arrimaha ammaanka ayaa aad uga baqaya xilligan in Muqdisho ay ka dhacaan weeraro hor leh oo maleeshiyada Al-shabaab geysato.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.