Al-Shabaab”waan siiwadaynaa weerarada Madaxtooyada”

Muqdisho (KON) AlShabaab ayaa faah faahin ka bixiyay weeraro ay sheegeen in ay maalmihii ugu danbeeyay ay ka geesteen magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab”waan siiwadaynaa weerarada Madaxtooyada”

 

Gudoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen ayaa ayaa sheegay in ay qaadeen weeraro ka yaabiyay dowlada iyo taageerayaashooda.

Wuxuu sheegay weeraradaasi in ay qaarkood ku qaadeen xarunta madaxtooyada Soomaaliya isla markaana ay ahaayeen kuwo lagu guuleestay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Cali Maxamed Xuseen Wuxuu sheegay inay sii wadayaan weerarada ay la beegsanayaan Madaxtooyada, waxaana uu ku eedeeyay AMISOM iyo dowladda inay ku fashilmeen sugida ammaanka.

Dhowaan ayay aheyd markii madaafiic lagu soo tuuray xaafado ku dhow dhow Madaxtooyada, kaasoo geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho