Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Kooxda Al-Shabab ayaa xalay markale gudaha u soo galay degaanka Ceeldheere oo u dhaxeeya Guriceel iyo Dhuusamareeb oo ka tirsan Gobalka Galgaduud.
CEELDHEERE, Soomaaliya - Kooxda Alshabaab ayaa xalay saqdii dhexe gudaha u galay magaalada Ceeldheere iyaga oo an la kulmin wax dagaal ah.
Sida dadka degaanku wariyeen, Al-Shabaab waxa ay afduubteen gaari magaalada Dhuusamareeb u socoday iyo 3 qof oo la socotay.
Kooxda Al-Shabaab oo sidoo kale xalay jid-gooyo dhigtay afaaf-ka hore ee magaalada Dhuusamareeb ayaa isaga baxay degaanka saaka arooti.
Ciidamada booliska ayaa magaalada kusoo laabtay, waxaana saldhigga magaalada kula kacday miino ay goobta ku diyaariyeen Al-shabaab.
Labo kamid ah askarta Booliska ayuu dhaawac soo gaaray iyadoo loo qaaday magaalada Dhuusamareeb.
Wax ka yar Soddon cisho, waaa markii saddexaad oo Kooxda Al-Shabaab la wareegto gacan ku heynta degaanka Ceeldheere, halkaas oo ay dhibaato u geystaan dadka Shacabka ah.
Al-Shabaab ayaa dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka wada degaanada Galmudug tan iyo dhamaadkii Sanadki hore, dagaal xoogan oo la isaga kicinayo ayaana hadda ka bilaawday gobolka Mudug.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments