Al-Shabab oo xalay weerar ka geystay Mudug

Dagaal u dhexeeya Kooxda Al-shabaab iyo dadka shacabka ah oo garab ka helaya ciidamada Galmadug ayaa ka dhacay degaanka Jiic-dheere ee Gobolka Mudug.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabab oo xalay weerar ka geystay Mudug

BACAADWEYN, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar xoog leh xalay kusoo qaadday degaanka Jiic-dheere oo hoos taga Bacaadweyn oo dhacda  koofurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Sida ay Keydmedia Online u xaqiijiyeen dadka degaanka ku dhawaad 10 ruux oo labada dhinac ee dagaalamay iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyooday dagaalka waxaana jira dhaawac xooggan.

Ka hor inta uusan billaaban weearaka Jiic-dheere Al-Shabaab waxa ay weerar boobiyayaal ah ku qaadday degaanka Bacaadweyn oo qiyaastii 20 Kiiloo mitir u jira Jiic-dheere.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhaqdhqaaq xooggan ka wadda koofurta Gobolka Mudug, waxayna halkaa ka geysanyeen falal lid ku ah amniga degaanka.

Maamulka Galmudug ayaa dhawaan bilaabay olole gobolka looga xorreynayo Al-Shabaab, wuxuuse u muuqdaa mid aan wali mira-dhalin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.