Al shabaab oo ku xiray Degmada Xarardheere 20 Ganacsato ah {Dhageyso}

Xarardheere (KON) - Maleeshiyada Kooxda Al shabaab, ayaa Maanta oo Jimco ah ku xiray in kabadan 20 Ganacsato ah Gudaha Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, bartamaha dalka Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Al shabaab oo ku xiray Degmada Xarardheere 20 Ganacsato ah {Dhageyso}

Dadka ku sugan Degmada Xarardheere, ayaa KON u sheegay in Kooxda Al shabaab ay xireen Ganactada kadib markii ay diideen inay dhiibaan Kumanaan Doolaar oo ay kusoo iibsadaan Hub ay kula dagaalamaan Ciidamada DFS & AMISOM.

Degmada Xarardheere ayaa saakay ka jirtay Cabsi xoogan oo Ganacsatada Degmada ay qabeen, markii la xiray 20 Qof oo isagu jira Rag & Dumar kuwaasi oo Kooxda Al shabaab la aadeen Meel aan la garanayn oo kamid ah Gobolka.

Al shabaab oo laga saaray inta badan Degmooyinkii ay joogeen ee Gobolka Galgaduud, ayaa hadda waxa ay kusii baxsanayaan degmada Xeebta ah ee Xarardheere, si ay halkaasi uga raacaan Doomo geyn kara qeybo kamid ah Deegaanada Puntland maadaama looga adkaaday Dagaalka Koonfurta Soomaaliya.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho