Al Shabab oo dagaalo rogaal celis ah ku qaaday goobihi laga qabsaday

Muqdisho (Keydmedia) - Dagaal xoog leh iyo duqeymo aan caadi aheyn ayaa xalay ka dhacay goobihi ay shalay qabsadeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Al Shabab oo dagaalo rogaal celis ah ku qaaday goobihi laga qabsaday

Dagaalada ayaa ka danbeeyey marki ay Al Shabab heleen ciidamo gurmad ah oo kaga yimid gobolada ay ka taliyaan kuwaasi oo weerar xoog leh kaga qaaday qabuuraha Barakaat iyo xaafadaha ku taxan ee magaalada Muqdisho.

Arrintaasi waxay dhalisay in ciidamada AMISOM ay madaafiic aan kala go,laheyn ku garaacaan meelaha laga soo weeraray, waxaana xalay oo dhan laga maqlayey guud ahaan caasimada madaafiic xoog leh oo dadka ay la yaabeen.

Ilaa 15 oo kamid ah Askarta TFG-da iyo kuwa Amisom ayaa meshaas lagu dilay, dhanka kalana Al Shabab ayaa sheegtay in ay gacanta ku hayaan meydka iyo aqoonsiga taliyihi saadka ee dowlada KMG Soomaaliya Sacid Daahir oo shalay ku dhintay dagaaladi ka dhacay Qabuuraha Barakaat.