Al shabab oo xiray Dad fududeeyey Duqeyn lala eegtay Hogaamiyaashooda

Sablaale (KON) - Kooxda Al shabaab ayaa ku xiray Dad badan Saakay Deegaanka Dhaay Tubaako & Sablaale, kuwaasi oo ay uga shakiyeen inay hageen Diyaarado Duqeymo Cirka ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose.
Warar Keydmedia Online
Al shabab oo xiray Dad fududeeyey Duqeyn lala eegtay Hogaamiyaashooda

Warar hoose oo KON helayso ayaa sheegaya in Dadka la qabtay oo Tiradooda gaarayso 20 ay ku jiraan Saraakiil Al shabaab, waxaana lagu qabtay Saakay Howlgal ay Kooxda kawo Degaanka Dhaay Tubaato & Degmada Sablaale, waxaana Wali jirin Fah Faahin rasmi ah oo laga haayo Dadka lagu dilay ama lagu dhaawacay Duqeyntii Xalay.

Xiisado ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa Degmada Baraawe, kadib markii ay Ciidamada DFS & AMISOM ay billaabeen inay kusoo dhawaadaan Magaaladaasi oo la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin Horjoogiyaasha ugu sareeya ee Kooxda Al shabaab.

Bishii November 2013, Diyaarad Drone ah ayaa waxa ay ku dishay Duqeyn Horjooge Ibraahim Ali oo loo yaqaanay "Anta Anta" kaasi oo Al shabaab u qaabilsanaa samaynta Walxaha ay u adeegsato Kooxda Qaraxyada ay dalka ka fuliyaan.

Xalay Fiidkii Diyaarad kale oo Drone ah oo laga leeyahay Mareykanka ayaa Weerar Cirka ah ku qaadey Xarunta ay uga shirayeen Al shabaab Duulaanka uga imaanaya Ciidanka DFS & AMISOM, waxaana Kulanka uu ka dhacayay inta u dhaxaysa Dhaay Tubaako & Haaway, sida uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka C/qaadir Siidii.

Wixii kusoo kordhaa Warka kala soco Wararkeena danbe Insha Allah.!

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho