Allahaa U Naxaristee Wariye Tuur Yare oo Maanta Muqdisho Lagu Aasay

Muqdisho (KON)- Waxaa maanta qabuuraha Jaziirada ee magaalada Muqdisho lagu aasay allahaa u naxariistee Wariye Maxamed Maxamuud Tuur Yare oo xalay ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Allahaa U Naxaristee Wariye Tuur Yare oo Maanta Muqdisho Lagu Aasay

Aaska Wariye Maxamed Maxamuud Tuur Yare ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wariyaal, Fanaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada, waxayna dhamaan alle Marxuum Tuur Yare uga baryeen inuu ka waraabiyo Janadiisa Fadowsa kuwasii ka dambeeyay dilkiisa uu alle dadka ka soo dhex saaro.

Wariye Maxamed Maxamuud Tuur Yare ayaa u geeriyooday dhaawac ay ragg bastoolado ku hubeysan oo arxan laawayaal ah ay ugu geysteen xaafada Xaawa Taako ee degmada Wadajir.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho